Talyaaniga: In ka badan 1000 qof oo muhaajiriin ah ayaa laga badbaadiyay badda Mediterranean-ka

Published: July 25, 2022

Maraakiibta ku sugan badda dhexe (Mediterranean sea) ayaa soo badbaadiyay tahriibayaal ku go’doonsanaa biyaha Yurub, iyadoo jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga ay soo food saartay koror dhanka qulqulka muhaajiriinta.

Tahriibayaashu xitaa ma wadan jaakadaha badbaadada

Shan tahriibayaal ah ayaa dhintay in ka badan 1000 qof oo muhaajiriin ah ayaa laga soo badbaadiyay badda Mediterranean-ka tan iyo maalintii Sabtida, sida ay sheegeen hay’adaha samafalka ee Midowga Yurub iyo ilaalada xeebaha Talyaaniga.

Inta badan dadka ay soo badbaadiyeen ilaalada xeebaha oo ahaa 674 tahriibayaal ah ayaa la socday dooni kaluumaysi meel 190 KM u jirta xeebaha gobolka Calabria ee dalka Talyaaniga, balse qaarkood ayaa laga soo saaray biyaha.

Dhammaan dadka la soo badbaadiyay ayaa la geeyay dekado ku yaalla Calabria iyo Sicily.

Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayaa sidoo kale soo saaray shan qof oo meyd ah oo la socday doon ka soo kacday meel qiyaastii 200 KM u jirta xeebta Calabrian.

Dhinaca kale, markabka Viking Ocean ayaa badbaadiyay 195 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur badan, kuwaas oo lagu arkay iyagoo saaran doonyo caag ah oo buux dhaafiyay, biyaha caalamiga ah ee xeebaha Liibiya.

Hay’adda samafalka SOS Mediterranee ee maamusha Ocean Viking ayaa sheegtay in dadkaas midkoodna uusan wadan jaakadaha dabaasha.

Maalintii Sabtida ee la soo dhaafey samatabbixiyeyaal ka socday NGO-ga Jarmalka ee samatabixinta Sea-Watch ayaa ka soo qaaday 444 qof doonyo tahriibayaal ah.

Markabka Sea-Watch 3 ayaa sheegay in uu fuliyay shanta howlgal muddo 24 saac ah, waxaana ay sheegtay in dadka la soo badbaadiyay ay ku jireen haweeney uur leh iyo nin uu soo gaaray gubasho daran.

Tahriibayaal badan ayaa xiligan isku dayaya inay ka gudbaan badda khatarta ah. Cimilada hadda jirta ayaa xaaladda ka dhigaysa mid aad u wanaagsan, dadka imanaya Talyaanigana waxay kor ugu kaceen afar-meelood meel laga soo bilaabo 2021, iyadoo la diiwaan geliyey 34,013 oo qof ilaa hadda.

Jasiiradda Lampedusa ee koonfurta Talyaaniga ayaa sidoo kale la tacaaleysay qulqulka muhaajiriinta ee soo gaaraya xeebaheeda.

In ka badan 750 oo qof oo magangalyo doon ah iyo muhaajiriin ayaa ka degay labadii maalmood ee la soo dhaafey ee Sabtida iyo Axadda.

Muhaajiriinta la soo badbaadiyey ayaa badankood ka yimaadeen qaarada Afrika, waxaana la aaminsan yahay in Soomaali badan ay ku jiraan.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *