Talyaaniga oo Soomaaliya ka caawinaya ka jawaabista xaaladaha degdegga ah

Published: July 27, 2023

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda dowladda FS mudane Abshir Cumar Jaamac (Haruuse) iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Talyaaniga ahna wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Antonio Tajani ayaa heshiis iskaashi iyo caawinaad Soomaaliya la siinayo ku kala saxiixday magaalada Rome ee caasimadda dalkaas.

Heshiiskan ayaa salka ku haya in Talyaanigu Soomaaliya ka caawiyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah iyo horumarinta adeegyada aas aasiga u ah muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Abshir Huruuse ayaa xusay in heshiiskan uu yahay kii ugu horreeyey ee noociisa ah oo labada dal ay gaaraan 30-sano ka dib.