Tanzania: Dooni qalibantay oo ay dad badan ku dhinteen – Sawiro

Published: September 21, 2018

Waxaa weli socda gurmadka lagu baadi goobayo dad badan oo saarnaa dooni shalay galab ku degtay harada Lake Victoria ee waqooyiga dalka Tanzania.

Wararka saaka oo Jimce ah kasoo baxay goobta ay doonida ku degtay ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay gaareyso ugu yaraan 44 qof.

Hawlaha gurmadka ayaa xalay la hakiyey iyadoo saaka dib loo bilaabay waxaana la filayaa in tirada dhimashada ay sii kororto.

Waxaa weli lagu muransan yahay tirada saxda ah oo saarneyd doonida degtay oo wararka qaar sheegayaa inay gaarayaan 500 qof.

Doonidan MV Nyerere ayaa shalay gelinkii danbe ku degtay nawaaxiga jasiirada Ukara, waxaana la sheegay inay sidoo kale siday xamuul badan. Waxa keenay shilkan ayaa loo badinayaa inay la xariirto xamuulka ay doonida siday oo ka tan badnaa intii loogu talo galay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *