Tel Aviv: Banaanbax looga soo horjeedo Netanyahu iyo dhaawac ka dhashay

Published: April 6, 2024

Waxaa caawa oo Sabti ah magaalada Tel Aviv ka socda Dibadbaxyo waaweyn oo ay dhigayaan qoysaska maxaabiista Israel iyo dadweynaha kasoo horjeeda Xukuumada Netanyahu, kuwaas oo ku baaqaya in la qabto doorasho.

Mudaharaadyadan oo lagu cambaareenayo sida uu u maareynayo ra’iisul wasaaraha wadahadalada ku xeeran maxaabiista lagu haysto Gaza ayaa noqday kuwo si joogto ah uga dhaca Tel Aviv iyo Jerusalem.

Shan qof oo mudaaharaadayey ayaa dhaawacmay kadib markii uu baabuur jiiray, darawalka gaarigaasi waday ayaa la sheegay inuu diiday inuu u hoggaansamo awaamiirta booliiska.

Laba habeen kahor ayey sidan mudaharaadyaasha u weerareen guriga uu degan yahay Netanyahu.

Dibad-baxyada maanta ayaa imaanaya iyadoo lagu wado in berri oo Axad ah magaalada Qaahira ee dalka Masar ay dib uga furmaan wada-xaajoodka xabbad-joojinta Gaza iyo sii deynta maxaabiista, wakiillo ka socda Xamaas iyo Israel ayaa halkaas gaaray. Dhexdhexaadintan ayey garwadeen ka yihiin dalalka Qatar, Masar iyo Mareykanka.

Horseed Media