Thailand: Raysalwasaarihii hore Shinawatra oo la xiray, kadib markii uu dalkiisa dib ugu noqday

Published: August 22, 2023

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Thailand Thaksin Shinawatra ayaa la xiray ka dib markii uu dib ugu laabtay dalkiisa Thailand ka dib 15 sano oo uu baxsad ku joogay Dubai.

Shinawatra oo hantidiisa ka sameeyay ganacsiga isgaarsiinta, ayaa diyaarad gaar ah ka raacay Singapore wuxuuna ka degay garoonka Bangkok ee Don Mueang wax yar ka dib 9kii saaka oo Talaada ah.

Waxaa markii dambe loo dhaadhiciyay xabsiga Bangkok, iyadoo maxkamadda sare ay soo saartay Xukun 8 sano oo xarig ah.

Thaksin Shinawatra waxa uu xukunka kula wareegay doorasho 2001-dii isagoo ku saleeyay ololihiisa taageerada dadka saboolka ah iyo beeraleyda Thailand oo muddo dheer ay dayaceen madaxda talada dalka haysa. Thaksin oo ahaa Raysalwasaarihii ugu xukunka dheeraa dalkaasi ayaa xilka looga tuuray inqilaab militari sanadkii 2006 xili uu ku sugnaa New York, shirka Qaramada Midoobay.

Hogaamiyahan ayaa dalkiisa dib ugu noqday xili lagu wado saacadaha soo socda in xilka Raysalwasaaraha loo magacaabi doono siyaasi kamid ah xisbigiisa, kadib markii xisbigiisa oo kuraas badan ku yeeshay Baarlamaanka ay heshiis la galeen xisbiga hoostaga militariga oo iyagu weli awood ku leh Golaha Wakiilada.

Mr.Thaksin ayaa la filayaa inuusan xabsiga kusii raagi doonin oo lagu siideyn doono cafiska Boqorka dalkaasi, hogaamiyahan ayaa weli taageero xoogleh ku dhexleh shacabka wadankaas.

Horseed Media