Tirada dadka ku dhintay fatahaadaha Kenya oo gaartay 76

Published: April 27, 2024

Tirada dadka ku dhintay fatahaadaha ka dhashay roobabka xooggan ee ka da’ay Kenya ayaa gaartay 76 qof, sida uu sheegay afhayeenka dowladda Kenya.

“Tan iyo markii ay bilowdeen roobabkan, laga bilaabo 1-da Maarso 2024, waxaan aad uga xunahay inaan ku dhawaaqno khasaaraha naxdinta leh ee 6 qof oo dheeraad ah 12-kii saac ee la soo dhaafay taasoo wadarta guud ka dhigaysa 76,” Isaac Mwaura ayaa ku yiri shir jaraa’id.

Mwaura ayaa intaa ku daray in 29 Kenyan ah ay ku dhaawacmeen 19 qofna la la’yahay.

Waxa uu sheegay in ciidamada booliska iyo kuwa milateriga la geeyey gurmad iyo taakuleyn goobaha ay dhibaatadu ka dhacday.

Kenya waxa ay la kulantay roobab aan kala joogsi lahayn oo ay weheliyaan dabaylo aad u daran iyo roobab ka sarreeya intii lagu jiray xilli-roobaadka socda ee Maarso-Abriil-May (MAM).

Waaxda saadaasha hawada ee Kenya ayaa Sabtidii soo saartay digniino, iyadoo ku boorisay shacabka inay u diyaar garoobaan roobab ka xoog badan oo ka da’aya dhowr gobol, gaar ahaan Rift Valley, Highland West, iyo East of Rift Valley, oo ay ku jiraan Nairobi, Koonfur-bari Lowland, Harada Victoria Basin, iyo gobollada xeebta.

Fatahaadahan joogtada ah ayaa waxa ay geysteen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dhammaan 47-da gobol, kuwaas oo sababay barakac baahsan, burbur hantiyeed iyo kaabayaashii dhaqaalaha, iyo khasaare nafeed.

Horseed Media