Tirada dadka Soomaaliyeed ee u tahriibaysa dalka Maraykanka oo korortay

Published: April 24, 2023
Shares70

Barga Afrika, gaar ahaana magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa bilihii lasoo dhafay aad ugu sii kordhayay tirada dadka Soomaaliyeed, gaar ahaana dhallinyarada u tahriibaysa dalka Maraykanka.

Dadkan ayaa sii maraya dalalka Laatiin America kahor inta aanay gaarin xuduudda Mexico oo aysan u tallaabin Mareykanka.

Marka ay tagaan waddanka Mexico (Maksiko) waxa ay ka boodaan gidaarka xuduudda ah oo ay ku sugan yihiin ciidamada gaarka ah ee ilaalada Soohdinta Mareykanka uu la wadaago Dalkaas ee loogu talagalay kahortagga soogalootiga.

Qaarkood ayaa ku nagaada Mareykanka halka qaar kale ay u gudbaan dhanka Dalka Canada (Kanada) oo xuduud la leh dalkaas iyaga oo ka gudbaya Dhul cidlo ah oo baraf badan uu ka da’ay iyada oo ay suuragal tahay in dad qaar ay ku xannuunsadaan.

Horseed Media