Tiradda Dhimashada Shacabka Gaza oo kor u dhaaftay 10.000

Published: November 7, 2023
Shares10

Maanta ayaa ku beegan bil kahor markuu bilowday dagaalka Gaza. Tiradda shacabka lagu dilay duqeynta Israel ayaa kor u dhaaftay 10.000 qof.

Israel ayaa xalay duqeyn xoogan la beegsatay Koonfurta Gaza gaar ahaan Rafax, oo kamid ah goobaha ay shacabka u qaxeen.

Xoghayaha Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa shalay gelinkii danbe markale ku baaqay xabad-joojin deg deg ah.

Guterres ayaa sheegay in Gaza isu bedashay “Xabaalaha caruurta”.

Tiradda caruurta lagu dilay xasuuqa Gaza ay ka badan 5000, Israel ayaa asbuuc walba duqeynta ku disha in ka badan 1000 caruur ah.

Israel iyo xulafadooda reer Galbeedka ayaa weli diidan in lagu dhawaaqo Xabad-joojin.

Mareykanka ayaa codkiisa qayaxan ee (Veto) ku horjoogsaday dhamaan Qaraaradii Golaha Amaanka.

West Bank
Dhinaca kale waxaa weli sii socda duulaanka Israel ku heyso dhulka Daanta Galbeed ee ismaamulka Falastiin, halkaasi oo ay bishii lasoo dhaafay weeraro kala duwan ku dileen 164 qof.

Weeraradii ugu danbeeyey ayey Israel ku qaaday magaalooyinka Jenin iyo Hebron.

Tiradda Falastiiniyiinta oo ay Israel ku xirtay Daanta Galbeed ayaa ka badan 2000 qof.

Horseed Media