Tiradda Shacabka lagu xasuuqay Gaza oo kor u dhaaftay 13.000

Published: November 20, 2023
Shares14

Waxaa sii socota duqeynta Israel ku wado Gaza, tiradda shacabka duqeynta lagu xasuuqay ayaa kor u dhaaftay 13.000 qof.

Dadka duqeynta Israel lagu dilay ayey ku jiraan 5.500 caruur ah iyo 3.500 haween ah.

Goobaha la duqeenayo ayaa ku yaal Waqooyiga iyo Koonfurta Gaza, waxaana xalay la duqeeyey nawaaxiga Isbitaalka Indonesia oo ay yaalaan dhaawacyo badan.

Ciidamada Israel oo cagta soo mariyey isbitaalka Shifa ayaa hada u muuqda inay diirada saarayaan Isbitaalka Indonesia.

Guryaha iyo daaraha ku yaal Marinka Gaza ayey 60% soo gaartay burbur ama khasaaraha duqeynta.

Waxaa sidoo kale shaqada joojiyey 25 isbitaal iyo 52 goobo caafimaad oo ku yaalay Gaza. Halka 55 gawaarida caafimaadka (ambulances) la burburiyey.

77 Masaajid ayey Israel burburisay, halka kuwo kalena khasaaro kasoo gaartay duqeynta.

Horseed Media