Tirinta Cododka Doorashada Puntland oo bilaabatay

Published: October 25, 2021

Waxaa soo idlaatay codayntii doorashada ee Dagmooyinka Eyl iyo Ufayn taasi oo soo bilaabatay 6:00 Aroornimo ee saaka ayna ka qayb galeen kumanaan qof oo codaynayay.

Waxaa weli socota codeynta qaar kamid ah xarumaha magaalada Qardho oo ay dad tiro baddan safaf dhaadheer ku jireen maanta oo dhan. Waxaana la sheegay in xarumahaasi furnaan doonaan inta dadka safafka ku jiray ay codkooda wada dhiibanayaan.

Guuleed Saalax Bare Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashoyinka Puntland ee TPEC ayaa ku dhawaaqay in doorashadii ku soo dhammaatay si habsami leh, wixii hada ka danbeeyana la tirin doono codadka ka imaanaya 54-ta xarumood ee laga codaynayay.

Wararka hour dhac ah ee an heleyno ayaa tilmaamay in tirinta Codadka  ay goor dhoweyd ka bilaabatay degmada Ufayn, iyadoo la filayo in labada magaalo ee kale ay iyana ka bilaabato tirinta codadkii maanta ay dadweynuhu dhiibteen ee doorashada qof  iyo qof ee Golaha deegaanka.

Guddiga Doorashada ayaa sheegay inay doonayaan in ay natiijada ku dhawaaqaan maalinta berri ah oo ku beegan salaaso 26ka Oktoober 2021.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *