Tobanaan qof ayaa ku dhaawacantay isku dhacyo u dhexeeya kooxaha Eritrea ee ku nool Israel

Published: September 3, 2023
Shares4

In ka badan 100 qof ayaa ku dhaawacantay isku dhacyo u dhexeeya kooxo iska soo horjeeda oo ka soo jeeda dalka Eritrea oo ka dhacay magaalada Tel Aviv ee Israa’iil iyadoo boolisku ay hawada u rideen rasaas digniin ah si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha.

Dagaalka ayaa dhacay Sabtidii kadib markii boqolaal Eritrean ah oo dhaleeceeyay dowladooda ay ku dhawaadeen goob ay ka socotay munaasabad lagu taageerayay dowladda Eritrea.

Dibad-baxayaashu waxay jabiyeen xayndaabyadii booliiska waxayna burburiyeen muraayadaha booliiska iyo baabuurta kale iyo sidoo kale daaqadaha dukaamada u dhow, sida uu sheegay wargeyska Haaretz.

Sidoo kale waxaa u suurta gashay in ay gudaha u galaan goobtii ay ka socotay xaflada safaarada Eritrea oo ay ku jabiyeen kuraastii iyo miisaska.

Booliska ayaa sheegay in ay xireen 39 qof “kuwaasi oo weeraray booliiska oo dhagxaan ku tuuray” askarta. Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa watey hub, sunta dadka ka ilmeysiisa iyo qori koronto ah, sida ay saraakiishu sheegeen.

Horseed Media