Toogasho ka dhacdey Iskuul ku yaala dalka Finland, waxaa jira dhaawac iyo dhimasho

Published: April 2, 2024
Shares112

Subaxnimadi maanta oo Salaasa ah ayaa wiil 12 jir ah toogasho ka bilaabay Iskuul Hoose Dhexe oo ku yaala magaalada Vantaa ee dalka Finland ee dhacda waqooyiga caasimadda dalkaas. Booliska ayaa qabtey mar danbe qabtey wiilka 12jirka ah ee ka danbeeyey toogashada.

Booliska ayaa sheegay qofka toogashada geystey in uu yahay cunug yar kaas oo toogtey arday kale oo ay isku fasal ahaayeen iskuulka Viertola ee magaalada Vantaa. Dhimashada ayaa ah hal ardey oo 12 jir ah, waxaana dhaawac culus gaarey laba rdey oo kale. Sida ay boolisku sheegeen, qoriga waxaa lahaa qof qaraabo dhow la ah eedaysanaha.

Boolisku markii ay qabteen 12 jirka toogashada geystey isla markiiba waa qirtey wax su’aalo ah oo kale lama weydiin, ilaa hadda lama garaanaayo sababta uu u toogey ardeyda kale ee ayisku fasalka ahaayeen.

Dugsiga Viertola waa dugsi ay dhigtaan ilaa 800 oo arday. Dhamaan ardeydii ayaa laga daadgureeyey goobta, waxana soo gaarey ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran.

Dadka Finland waxaa ku nool oo lagu qiyaaso 5.5 milyan oo qof ilaa 430,000 qof oo kamid ah waxay haystaan shatiga hubka, dadka Finland u dhashey ayaa caan ku ah ugaarsiga.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Finland ay gilgisho toogasho ka dhacday goob iskuul.

Toogashooyinka ugu dhimashada badnaa ayaa dhacay 2007 iyo 2008, markaasoo sagaal iyo kow iyo toban qof la dilay, siday u kala horreeyaan.

HORSEEDMEDIA