TPLF oo sheegtay inay soo weerareen ciidamada Eritrea iyo kuwa Itoobiya

Published: September 1, 2022

Ciidamada gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa ku eedeyay dowladda iyo xulufadeeda deriska ay yihiin ee Eritrea inay gobolka ku qaadeen weerar ballaaran gaarahaanna waqooyi-galbeed.

Hadalkaan ayaa imaanaya maalin kadib markii ay sheegtay dowladda Itoobiya in ciidamada Tigray ay ballaariyeen dagaalka oo ay gaarsiyeen xadka Sudan.

Beesha caalamka ayaa ku baaqday in la soo afjaro rabshadaha soo cusboonaaday.

Dagaalka Itoobiya ayaa ku baahay jiidaha hore tan iyo markii xabd joojintii shanta bilood ah ay burburtay toddobaad ka hor.

Saraakal sare oo ka soo jeeda gobolka Tigray ayaa bartiisa twitter-ka ku qoray in weeararda cusub ay yihiin kuwo iyaga ka dhan oo looga soo qaaday dhowr jiho.

Tan iyo markii rabshadahaan soo cusboonaadeen waxaa isa soo taraya walaaca laga muujinayo, iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Anthony Blinken uu sheegay in colaaddaan ay aad uga walaacsanyihiin.

Labada dhinac ee ku dagaallamaya Itoobiya waxay sheegeen in ay soo dhaweynayaan wadahallo nabdeed oo lagu soo afjarayo dagaalka sokeeye ,balse taasi meesha kama saarin in xabaddu istaagto.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *