Trump ayaa maxkamad la soo taagayaa bisha Maarso 2024

Published: August 29, 2023

Maxkamad federaal ah oo ku taal dalka Mareykanka ayaa go’aamisay in dacwadda ka dhanka ah Donald Trump ay bilaabato bartamaha ololaha doorashada sanadka soo socda.

Maxkamadeynta Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ee ku saabsan inuu isku dayay inuu baabi’iyo natiijada doorashada 2020 ayaa bilaaban doonta 4-ta Maarso, 2024-ka.

Tani waxay ka dhigan tahay in dacwadda federaalka ee ka dhanka ah madaxweynihii hore ee Mareykanka ay sii socoto ololaha doorashada sanadka soo socda.

Doorashada madaxweynaha ayaa dhici doonta November 5, 2024.

Dacwadda ka dhanka ah Trump ayaa billaabanaysa ka hor waxa loogu yeero Super Tuesday, oo ah maalinta ay ka dhacayso doorashada hordhaca ah inta badan gobolada Maraykanka, markaas kadib ayaa la gartaa ama la go’aamiyaa cidda fursadda ugu wanaagsan ku noqon karta murashaxa madaxweyne ee xisbiga.

Dhanka kale, maxkamad ku taal gobolka Georgia ayaa ku dhawaaqday in Trump iyo eedaysaneyaal kale oo uu ku jiro duqii hore ee New York Rudy Giuliani, si rasmi ah loo soo oogi doono 6-da September.

Trump ayaa la filayaa in uu diido eedeymaha ah in uu isku dayay in uu wax ka bedelo doorashada gobolka ee 2020-ka.

Horseed Media