Trump oo cambaareyn kala dul dhacay China

Published: September 27, 2018

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo markii ugu horeysay shir guddoomiyey kulankiisii ugu horeeyey ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si gaar ah ugu weeraray dalalka Iran iyo China.

Kulankan ayuu Trump inta badan diirada ku saaray hanjabaada uu u jeedinayo dowlada Iran oo uu sheegay inay saari doonaan cunaqabateyntii ugu adkeyd taariikhda, waa siduu hadalka u dhigayee.

Trump ayaa sheegay in 1da bisha November ay dhaqan-gelin doonto cunaqabateyntii horey u saarnaan jirtay dalka Iran taasi oo la qaaday kadib heshiiskii ay saxiixday xukuumadii Obama 2015, heshiiskaasi oo uu sanadkan laalay Donald Trump.

Cunaqabateyn dheeraad ah in lasii saari doono ayuu ku goodiyey Trump, isagoona sheegay inay isha ku hayn doonaan shirkadaha caalamka ee jabiya cunaqabateyntan inay iyaguna muteysan doonaan ciqaab adag.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maraykanka ayaa si lama filaan ah weerar ugu qaaday Dowlada China oo kamid ah shanta wadan ee awooda VETO kuleh golahaasi Amaanka, isagoo sheegay in China ay farogelin ku heyso doorashada Golayaasha Baarlamaanka Maraykanka ee la filayo inay dhacdo bisha November.

Walow uusan Trump wax cadeyn ah kusoo bandhigin kulankaasi hadana wuxuu ku dooday in China ay ka careysan tahay guulaha dowladiisa ay ka gaartay dhinaca loolanka ganacsiga, isla markaana China diidan tahay in xisbigiisa uu guuleysto.

Bartiisa Twitterka ayuu saacado kadib ku baahiyey sawir muujinaya maqaalo lagu qoray jaraa`idka kasoo baxa gobalada Maraykanka ee ku badan yihiin beeraleyd, qoraladaasi oo ay China maalgelisay ayaa looga hadlay canshuurta dheeraadka ah ee uu kusoo rogay Trump dalkaasi inuu dhaawici doono ganacsiga gobalada beeraleyda Maraykanka oo badeecado badan u dhoofiya Shiinaha.

China ayaa dagaal ganacsi iyo canshuuro kula jirta dowlada Maraykanka, waxayna canshuuro dheeraad ah iyo tariffo kusoo rogeen cuntada looga keeno Maraykanka, taasi oo dhaawici karta gobalada beeraleyda Maraykanka oo ay ku xoogan yihiin taageerayaasha xisbiga Jamhuuriga ee Trump.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee China Md.Wang Yi oo kulankaasi ku sugnaa ayaa sheegay in aysan iyagu faro gelin arrimaha gudaha ee dalal kale siyaasadoodana ay tahay inaysan dhexgelin arrimo aan khuseyn, wuxuuna intaasi sii raaciyey inuu ugu baaqayo dalalka kale (Maraykanka) inay faraha kala baxaan arrimaha wadamada kale.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *