Trump oo dawcado cusub lagu soo oogay

Published: July 28, 2023

Donald Trump ayaa wajahaya eedeymo cusub oo dambi ah kadib markii dacwad oogayaasha Mareykanka ay ku eedeeyeen madaxweynihii hore inuu ku amray shaqaalaha inay tirtiraan muuqaalada kamaradaha ammaanka ee gurigiisa si loo carqaladeeyo baaritaanka lagu hayo sida khaldan ee loo maamulay dukumentiyada sirta ah.

Dacwad oogayaasha federaalka Mareykanka ayaa khamiistii ku dhawaaqay seddex eedeymo oo cusub oo ka dhan ah Trump, oo ay ku jiraan is hortaag iyo si bareer ah u heystay dukumentiyo sirta Qaranka ah, taasoo ka dhigeysa tirada guud ee dacwadaha ka dhanka ah Trump 40 kiis oo kala duwan.

Dacwad oogayaasha ayaa sidoo kale dacwad ku soo oogay Carlos De Oliveira, oo 56 jir ah oo ka shaqaynayey hotelka loo tamashlaha tago ee Trump’s (Mar-a-Lago), in uu maleegayay in uu hor istaago baaritaanka, been u sheegay baarayaasha iyo burburinta dukumentiyada, sida ku cad dacwada maxkamadda. De Oliveira waa shaqaalihii labaad ee Trump oo wajahaya eedeymo dambiyo federaal ah oo uu ku weheliyo madaxweynihii hore.

Horseed Media