Turkey: Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Ankara

Published: October 1, 2023

Qof isa soo miidaamiyay ayaa walxaha qarxa ku qarxiyay afaafka hore ee xarunta wasaaradda Arrimaha guddaha ee magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, waxaana ku dhaawacmay labo askari oo boolis ah, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in “argagixisadu” aysan weligood gaari doonin ujeeddooyinkooda, saacado yar ka dib markii ay weerar ku qaadeen meel u dhow baarlamaanka dalkaas ee Ankara.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Yerlikaya ayaa sheegay in laba qof oo weerarka soo qaaday ay mas’uul ka ahaayeen qaraxyadii ka dhacay afaafka hore ee dhismaha wasaaradda arrimaha gudaha. Mid ka mid ah ayaa is qarxiyay midna waa “la dilay” ayuu yiri wasiirku.

Qaraxa kadib ayaa rasaas laga maqlay afaafka hore ee xarumaha Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Baarlamaanka. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in gantaal la riday.

Horseed Media