Turkiga iyo Germany oo ku heshiiyey inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda

Published: January 7, 2018

Wasiirada arrimaha dibada ee dalka Turkey iyo Germany oo sabtidii shalay kulan ku yeeshay dalka Jarmalka ayaa sheegay inay labada dal ka shaqeyn doonaan sidii loo wanaajin lahaa xiriirka labada dhinac oo sii xumaanayey tan iyo sanadkii 2016.

Xiriirka Turkiga iyo Germany ayaa meel xun gaaray kadib markii uu dhacay inqilaabkii fashilay ee Turkiga bartimihii sanadkii 2016, kadib markii dowlada Turkiga ay xabsiga dhigtay muwaadiniin reer Germany ah oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga kuwaasi oo kamid ah shacabka loo xiray xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay afgembigii fashilay.

Sigmar Gabriel, Wasiirka Arrimaha Dibada ee Germany ayaa sheegay in labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah, isla markaana Turkida ay kamid ahaayeen dadkii wax ka dhisay wadanka Germany kadib dagaalkii labaad ee Dunnida, sidoo kale Turkida ku nool dalka Germany ayaa gaaraya 3 milyan.

Mevlut Cavusoglu, Wasiirka Arrimaha Dibada ee Turkiga ayaa sheegay in labada dhinac ay diirada saari doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal oo ay ka dhaxeeyaan arrimo badan oo uu ugu horeeyo ganacsiga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *