Turkiga iyo Norway oo Xasan Sheekh kala hadley dib u bilaabidda wadahadlkii Somaliland

Published: December 6, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii xalay kulan la qaatey danjiraha ee Turkiga Mehmet Yılmaz, iyo siihayaha xilka safiirka Dowladda Norway ee Soomaaliya Haakon Svane, kulanka ayaa looga hadley sidii mar kale dib loogu bilaabi lahaa wada hadalkii Dowlada federaalka iyo Somaliland ee istaagey muddo hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa amaaney doorka fududeynta iyo isu soo dhaweynta ah ee dowladda Turkigu ay ka soo qaataday wadahadalladii Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland, kuwaas oo bilow fiican u ahaa xal u helidda tabashooyinka jira iyo xaqiijinta xasilloonida iyo horumarka dadka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay qorshihiisa qaran ee Soomaali Heshiis ah in ay ugu weyn tahay wada hadalka Somaliland oo dib u bilowda.

Somaliland waxay hadda lugaha kula jirta qalalaase siyaasadeed, kadib markii la dhaafey muddo xileedkii madaxweyne Biixi, iyada oo golaha guurtda Somaliland u samaysey muddo kordhin.

Horseed Media