Turkiga oo safiirkoodii kala baxay Israa’iil

Published: November 4, 2023

Wasaarada arrimaha dibada ee Turkiga ayaa maanta oo Sabti ah sheegtay inay dib ulla soo noqdeen safiirkii ka joogaya Tel Aviv.

Turkiga ayaa sheegay inay go’aankan qaateen kadib weerarka Israel ku heyso shacabka Gaza.

Kadib markaan aragnay xaalada bini’aadamino ee ka taagan Gaza oo ay sababtay duulaanka ay Israa’iil ku heyso shacabka.

Diidamada Israa’iil ay weli diidan tahay xabad-joojinta iyo fasixida gargaarka, waxaanu go’aasanay inaan dib ulla soo noqono safiirkeena Amb.Sakir Ozkan Torunlar.

Wasaaradda Arrimaha dibada Turkiga

Dalka Turkiga ayaa kamid ahaa dalalka faro-ku-tirska ah ee Muslimiinta ee xiriirka laleh Israel.

Axadda berri ah ayaa lagu wadaa inuu Turkiga tago Xoghayaha Dibada Mareykanka Blinken oo doonaya inuu kala hadlo xaalada Falastiin.

Asbuucii 4aad oo ay Israel wado duqeynta Gaza, tirada dhimashada shacabka ayaa mareysa 9.500 oo ay 3.900 yihiin caruur.

Horseed Media