Ugu danbeyn Twitter oo tijaabinaya “Edit Button” kadib muddo dheer oo ay diidanayeeen!

Published: September 1, 2022

Maanta oo Khamiis ah, Twitter ayaa ku dhawaaqay inay bilaabi doonto tijaabinta badhanka “Edit Tweet” taas oo dadka qaarkiis keliya ku kooban, waxaa hadda heli kara kuwa bixiya khidmadda ee loo yaqaan Twitter Blue.

Twitter ayaa sheegtay in tijaabadan kadib uu u oggolaan doono dadka inay isbedel ku sameeyaan fariimaha qoraalkooda “dhowr jeer” 30 daqiiqo ka dib markii la daabacay.

“fariimaha dib loo saxay ama la tifaftiray waxa ay la soo bixi doonaan calaamad iyo timestamp si ay ugu caddaato akhristayaasha in Tweet-kii asalka ahaa wax laga beddelay.” Akhristayaashu waxay sidoo kale awoodi doonaan inay arkaan noocyadii hore ee tweet-ga iyaga oo taabta calaamadda “tedited tweet”.

twitter

Arrintan ayaa imaanaysa muddo dheer oo isticmaalayaasha Twitterku u qaylinayeen in ay helaan badhanka wax ka beddelka ama Edit Button, waxaa horey u dhici jirtey in qofku delete gareeyo ama Tweet kale uu ku saxaayo qoraalkiisi soo geliyo.

Mid ka mid ah sababaha Twitter-ku uu uga gaabiyay horumarinta habka wax ka beddelka ayaa ah walaac ku saabsan in si khaldan loo isticmaalo. Tusaale ahaan, dadku waxay tafatirin karaan tweet-ka fayraska ah si ay ugu daraan spam, macluumaad khaldan, ama dhibaatayn ka dib markii hore loo oggolaadey in ay la wadaagaan kuwa kale.

Facebook ayaa horey u lahaa in aad wax ka beddeli karto qoraalkii hore, laakiin dadku arki karaan kii asalka ahaa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *