Ugu yaraan 89 qof ayaa ku dhintay dabkii ka kacay Maui ee dalka Maraykanka

Published: August 13, 2023
Shares4

Ugu yaraan 89 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dabka ka kacay Maui ee dalka Mareykanka. Barasaabka gobolka Hawaii Josh Green ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay kordhi karto.

Hadda waxaan xaqiijin karnaa tirada la soo badbaadiyey. Yoolkayaga ayaa ah in aan dib u mideyno dadka oo aan siino hoy iyo daryeel caafimaad, ayuu yiri guddoomiyaha oo shir jaraa’id qabtay.

Dabka ayaa hadda inta badan la xakameeyey, waxaana socda dadaallo xooggan oo lagu baadi-goobayo laguna tira koobayo khasaaraha ka dhashay magaalada xeebta ah ee Lahaina.

Boqolaal qof ayaa wali la la’yahay. Wadar ahaan, waxa jira ku dhawaad ​​1,000 qof oo aanay maamulku wali wax war ah ka hayn, laakiin qaar kuwaas ka mid ah ayaa laga yaabaa in ay bed qabaan, laakiin aan la heli karin sababo kale dartood. Isgaarsiinta taleefannada iyo korontada ayaa go’an meelo badan, BBC ayaa ku warrantay sidaas.

Sida laga soo xigtay guddoomiyaha gobolja Hawaii, 2,200 oo dhismo oo ku yaal Galbeedka Maui ayaa ku basbeelay dabka, kuwaas oo intooda badan ay yihiin guryo hadda dambas ah. Qiimaha burburka ayaa lagu qiyaasay ugu yaraan 6 bilyan oo doolar maraykanka ah.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa amar ku bixiyay “in la adeegsado dhammaan agabka federaalka ee lagula tacaalayo dabka” si loo caawiyo Hawaii.

Dabka ka dhacay galbeedka Maui ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa taariikhda Maraykanka muddo 100 sano ah.

Hanad Askar
Horseed Media