Ugu yaraan 94 qof ayaa ku dhintay musiibo ku dhacday dooni ay la socdeen Mozambique

Published: April 8, 2024
Shares18

Inta la xaqiijiyey 94 qof ayaa ku dhintay 26 kalena waa la la’yahay ka dib markii doon macmal ah oo buux dhaaftay ay ku degtay waqooyiga xeebta Mozambique , sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Doonida macmalka ah ee markii hore ah nooca kalluumeysiga, ayaa waxaa la socday ilaa 130 qof, waxaana ay la kulantay dhibaato xilli ay isku dayday in ay gaarto jasiirad ka baxsan gobolka Nampula, sida ay saraakiishu sheegeen Axaddii.

“Sababtoo ah doontu aad ayay u buux-dhaaftay oo aan ku habboonayn inay rakaab qaado, waxay ku dhammaatay inay degto,” ayuu yidhi xoghayaha arrimaha dibadda ee Nampula, Jaime Neto. Carruur badan ayaa ka mid ahaa dhibanayaasha, ayuu raaciyay.

Samatabbixiyeyaasha ayaa helay shan qof oo la soo badbaadiyey, waxaana ay baadigoobayeen tiro intaas ka badan balse xaaladaha badda ayaa howlgalka ka dhigayay mid adag.

Inta badan rakaabku waxa ay isku dayayeen in ay ka baxsadaan dhul waynaha sababta oo ah argagaxa ka dhashay macluumaad khaldan oo ku saabsan daacuunka, Neto ayaa yidhi.

Lourenco Machado, oo ah maamulaha machadka gaadiidka badda ee dalkaasi, ayaa telefishinka qaranka ka sheegay Isniintii in ugu yaraan 94 qof ay dhinteen, 26 kalena la la’yahay.

Dalka ku yaalla koonfurta Afrika, oo ka mid ah kuwa ugu saboolsan adduunka, ayaa diiwaangeliyay ku dhawaad ​​15,000 oo xaaladood oo ah cudurka biyaha ka dhasha ee daacuunka iyo 32 dhimasho ah tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii hore, sida lagu sheegay xogta dowladda.

Nampula waa gobolka ugu daran ee ay saameysay, isagoo ah seddex meelood meel kiisaskan laga helay.

Jaime Neto ayaa sheegay in koox baaritaan ay ku howlanaayeen sidii ay u ogaan lahaayeen waxa sababay musiibada doonta. Laba ka mid ah shanta qof ee badbaaday ayaa lagu daweynayaa isbitaalka, sida uu sheegay sarkaalku.

HORSEEDMEDIA