Ugu yaraan Toban qof oo lagu dilay weeraro ka dhacay dalka Canada

Published: September 5, 2022

Laba weerar oo loo adeegsaday toorray ama mindi ayaa ka dhacay gobolka Saskatchewan ee dalka Canada, ee dhacda xuduudka Maraykanka.

Weerarka waxaa ku dhintay illaa 10 qof halka ay ku dhaawacmeen 15 qof oo kale, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP.

Laamaha amaanka ayaa sheegaya inay baadigoobayaan laba qof oo loo tuhunsan yahay inay fuliyeen weeraradan.

Booliska ayaa magacyada labada nin ee la tuhunsan yahay ku sheegay Damien Sanderson oo 31 jir ah iyo Myles Sanderson oo 30 jir ah, waxaana ay ka codsadeen in ay isa soo dhiibaan. Labadan qof ayaa markii ugu dambeysay la arkay iyagoo wata gaari madow oo Nissan Rogue ah, waxayna ku sugan yihiin caasimadda Saskatchewan ee Regina.

Labada nin ee sawiradooda la shaaciyey ee ku eedysan weerarka Saskatchewan

Rhonda Blackmore, oo ah kaaliyaha guddoomiyaha gobolka Saskatchewan, ayaa sheegtay in dhibanayaasha qaarkood ay u muuqdaan inay ahaayeen bartilmaameed si gaara loo beegsaday halka qaarka kalena loo weeraray si aan kala sooc lahayn.

Waxay sheegtay inay jiraan 13 goobood oo faldembiyeedkani ka dhacay oo laga helay dadka dhintay ama kuwa dhaawacmay.

Raysal-wasaaraha Kanada, Justin Trudeau, ayaa wacad ku maray in kuwa mas’uulka ka ah “weerarada foosha xun” ee maanta dhacay “si buuxda loo horkeeni doono cadaaladda”.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *