Uguyaraan 5 askeri ayaa lagu diley qarax miino oo ka dhacay Muqdisho

Published: August 10, 2023

Gaari ay wateen ciidamada dowladda federaalka ayaa qarax miino lagula beegsaday magaalada Muqdisho maanta oo Khamiis, kaas oo ay ka dhalatey khasaare nafeed.

Baabuurka la qarxiyay oo ahaa nooca hubka waaweyn lagu xiro ayaa maraayey waddada Daarusalaam u baxda. Gabi ahaan gaariga ayaa burburay, waxaana ka dhashay khasaare lixaad leh oo soo gaaray ciidamadii saarnaa gaariga miinadu la kacdey iyo dad rayid ah oo goobta ka dhawaa.

Ugu yaraan 5 askari ayaa goobta ku dhintay, waxaa sidoo kale dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray dad kale oo shacab ah oo ka agdhowaa goobta, wararku waxay sheegayaan in saddex qof oo kale oo rayid ah ay isla goobta qaraxa ku geeriyoodeen.

Malayshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkan gaadmada ah ee lagu laayay ciidamada, kana dhacay waddada dheere ee u baxda xaafadda Daarusalaam ee ya degaan dadka hodanka ah.

Horseed Media