UK ayaa ku dhawaaqday inay $6.1 Milyan oo dollar ugu deeqday ciidamada Soomaaliya

Published: September 20, 2023

Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday 5 milyan oo lacagta Pound ah oo dheeraad ah ay ku maalgelinayso Sanduuqa Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) si loogu taageero Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF).

Lacagtan cusub ayaa lagu shaaciyay kulan dhex maray La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali iyo Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka ee UK ee Arrimaha Caalamiga, Dame Sarah MacIntosh oo booqasho ku timid Soomaaliya todobaadkii hore.

Maalgelintu waxay ku dhisan tahay tabarucaadka la taaban karo ee UK bixineyso iyada oo loo marayo Sanduuqa Trust ee UNSOS, kaas oo siiya taageero saadka oo aan halis ahayn SSF, taas oo ay ku jiri doonto cunto, hoy iyo taageero naf-badbaadin ah. Maalgelinta UK waxay siin doontaa taageero joogto ah howlgallada ka dhanka ah al-Shabaab, laakiin sidoo kale waxay caawin doontaa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya si ay u dhisaan tayada marka ay qaadaan mas’uuliyadda weyn ee amniga.

Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka, Dame Sarah MacIntosh, ayaa tiri:

“Iskaashiga amniga ee UK iyo Soomaaliya waxa uu muhiim u yahay in xasilooni iyo amni lagu soo dabaalo Soomaaliya iyo gobolka. Boqortooyada Midowday (UK) waxay sii wadi doontaa taageerada dadaallada ay Soomaalidu hormuudka ka tahay ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo soo celinta xasilloonida meelaha laga qabsaday ee dalka. Boqortooyada Midowday (UK) waxay sii wadaysaa taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya si ay u raadiso Soomaaliya xasilloon oo ammaan ah. Iskaashiga UK iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta ayaa Soomaaliya u horseedaya mustaqbal ifaya.”

Horseed media