UK: Wiil Soomaali ah oo tooreey lagu dilay

Published: March 13, 2024

Wiil dhalinyaro ah oo soomaali ah ayaa lagu dilay magaalada Sheffield ee dalka UK kadib markii si xun loo toorriyeeyay, Booliska ayaa wiilka magaciisa ku sheegay Sacad Cali oo 24 jir ah.

Adeegyada degdega ah ee gargaarka ayaa la wacay 4.35am subaxnimadii 9-kii Maarso Halka loo yaqaan Ponderosa Park ee agagaarka Netherthorpe ee magaalada ka dib markii laga helay wiilka oo la tooriyeeyay kaas oo qabay dhaawacyo badan oo mindi ah oo u marki danbe u dhintay.

Qoyska wiilka ayaa la wargeliyay waxayna codsadeen in si gaar ah loo ixtiraamo wakhtigan adag.

Madaxa dambi baarista Ben Wood, oo ah sarkaalka sare ee baaritaanka kiiskan, ayaa yiri: “Runtii waxa uu ahaa dil argagax leh oo soo gaabiyay nolosha nin dhalinyaro ah’’

Horseed Media