Ukraine: Ciidamada Ruushka oo qabsaday magaalo muhiim ah

Published: October 15, 2023

Ciidamada Ruushka ayaa guulo ka gaaray weerarkooda Ukraine, Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay maanta oo Axad ah, goobaha ay qabsadeen waxaa kamid ah magaalada Warshadaha ee Avdiivka, oo uu dagaal xoogan ka socday.

“Ciidamadeenu waxay guulo muhiim ah ka gaareen dhammaan aagaga dagaalka, ayuu ku sheegay Putin wareysi uu siiyay telefishinka Ruushka, oo qayb ka mid ah la soo dhigay baraha bulshada Axaddii.

Ukraine ayaa todobaadkii hore sheegtay in Ruushku uu sare u qaaday weerarada uu ku hayo magaalada safka hore ee dagaalka, taas oo 15 kiiloomitir u jirta magaalada Donetsk ee ay Moscow maamusho.

Ciidamada Ruushka ayaa hadda gacanta ku haya dhulka bariga, woqooyiga iyo koonfurta ee Avdiivka, iyagoo si tartiib tartiib ah u adkeeyey weerarka si ay ciidamada Ukraine uga sii riixaan Donetsk.

Weerarada aadka u xoogan ee uu Ruushka ku hayo Avdiivka ayaa yimid kadib afar bilood oo uu socday weerar rogaal celis ah oo ay qaadeen ciidamada Ukraine, kaasoo ahaa mid gaabis ah sidii la filayay.

Putin ayaa maanta ku celceliyay in weerarkii rogaal celiska ahaa ee Ukraine uu “gabi ahaanba fashilmay”.

Horseed Media