Ukraine oo drone ku duqeysay bartamaha Moscow, xarumaha ganacsiga & dowlada

Published: July 31, 2023

Ciidamada Ruushka ayaa sheegay inay magaalada Moscow kusoo rideen saddex diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn oo laga leeyahay dalka Ukraine, weerarkaas oo lagu dhaawacay hal qof, duqeyntan ayaa si gaar ah loola beegsaday daaraha dhaadheer ee xarumaha ganacsiga iyo dowlada, waxaana muddo kooban la xidhay garoonka diyaaradaha ee magaaladaas.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa ku eedaysay weerarka subaxnimadii hore ee Axadda Ukraine, halka madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy – oo aan soo hadal qaadin weerarkan, ka digay in “dagaal uu ku soo wajahan yahay dhulka Ruushka”.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa ku sugnaa magaalada uu ku dhashay ee Saint Petersburg xilliga weerarka dhacay, isagoo kulamo la qaadanayey madaxda Afrika.

Horseed Media