Ukraine oo lumisay 20% hubkeeda bilowga dagaalka rogaalceliska ah

Published: July 17, 2023

Asbuucyo kadib markii ciidamada Ukraine ay bilaabeen dagaalka rogaalceliska ah oo ay doonayaan inay dib ugu qabsadaan dhulka ay heystaan Ruushka gaar ahaan bariga iyo koonfurta Ukraine, ayaa waxaa soo baxaya xogta ah in burbur xoogan uu soo gaaray hubka casriga ah oo ay ku dagaalamayeen ciidamada Ukraine.

Warbixintan oo qeyb kamid ah lagu daabacay jariirada New York Times ayaa lagu sheegay in Ukraine ay lumisay 20% hubkeeda oo ay ku jiraan gaadiidka dagaalka kuwaasi oo isugu jira kuwo la burburiyey iyo gaadiid dhaawac soogaaray.

Arrintan ayaa keentay in Ukraine ay gaabiso xawaaraha duulaankeeda si hoos loogu dhigo khasaaraha ciidamadooda soo gaaraya.

Ukraine ayaa taageero xoogleh oo militari ka heshay dalalka reer Galbeedka walow xukuumadiisa ay olole ugu jirto in loo soo diro hub dheeraad ah, iyagoo si gaar ah u codsanaya diyaaradaha F16 si ay u xoojiyaan difaacooda cirka, walow dalalka NATO iyo Maraykanka ay ka cago jiidayaan in ku deeqaan diyaaradahaasi.

Horseed Media