Ukraine oo sheegtay inay guulo ka gaareen dagaalka ka socda qeybo ka mid ah dalkaasi

Published: September 11, 2022

Taliyaha ciidamada Ukraine General Valery Zaluzhny ayaa sheegay in ciidamada Ukraine ay guulo ka gaarnen dagaalkii ka socday waqooyiga gobolka Kharkiv, ayna u sii gudbeen koonfurta iyo bariga dalka, kadib markii ay si degdeg ah gacantooda ugu soo dhacay xaruntii ugu weyneyd ee Ruushka ee waqooyi bari Ukraine.

Taliyaha ayaa sheegay in 10-kii maalmood ee lasoo dhaafay ay Ruushka ka qabsadeen dhul gaaraya 3,000 oo kiilo mitir, isaga oo sheegay in gobollada koonfurta, bariga, iyo waqooyiga dalkaas ay horumar ka sameeyeen ciidanku, isla markaana ay 50 kiiloomitir u jiraan xadka gobollada uu Ruushku wada heysto.

Gacan ku dhigista magaalada Izium ayaa calaamad u ah jabkii ugu xumaa ee soo gaaray ciidamada Ruushka tan iyo markii laga saaray magaalada caasimadda ah ee Kyiv bishii March, iyadoo kumannaan askari oo Ruushku ay ka tageen rasaas iyo qalab markii ay carareen.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa soo dhoweeyay ka bixitaanka Ruushka ee magaalada Izyum ee gobolka Kharkiv, isagoo sheegay inuu yahay horumar laga gaaray dagaalka lixda bilood socday, isagoo sheegay in xilliga qaboobaha uu keeni karo guulo dhinaca dhulka ah oo degdeg ah haddii Kyiv ay hesho hub awood badan.

Oleh Zhdanov oo ah falanqeeye milateri oo fadhigiisu yahay magaalada Kyiv ayaa sheegay in guulaha laga gaaray Ruushka ay dhabbaha u xaari karaan in si dheeraad ah loogu sii socdo gobolka Luhansk, kaasoo qabsashadiisa ay Ruushku sheegeen horaantii bishii June.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *