Ukraine: Zelensky oo diiday in la qabto doorashada 2024

Published: November 7, 2023

Doorashadii Madaxweynaha Ukraine oo qorsheysneyd in la qabto horaanta sanadka soo socda 2024 ayaa gebi ahaanba la laalay.

Madaxweynaha xilka haya Zelensky ayaa sheegay inaan wakhti loo heyn doorasho oo wadanka dagaal ku jiro.

Xiligan waa xiligii difaacida Qaranka iyo midnimada, maaha xili doorasho, ayuu yiri Zelensky.

Zelensky ayaa xiliguu dagaalka bilowday soo rogay Xaalad deg deg ah oo hada dalkaasi lagu maamulo.

Dagaalka Ukraine oo socday 20kii bilood ee lasoo dhaafay ayaa u muuqda mid labada dhinac ay ku kala adkaan waayeen.

Ruushka ayaa weli difaac uga jira koonfurta iyo Barigga Ukraine.

Halka Weerarkii Rogaal celiska ahaa ee Ukraine sheegtay inay dalkeeda ku xoreyneyso aan wax guulo la taaban karo ah laga gaarin.

Madaxweynaha Ukraine ayaa weli diidan talooyin loo soo jeediyey oo ah inuu wadahadal la galo Ruushka.

Dalalka reer Galbeedka ayaa taageero xoogan ee hub iyo dhaqaale siiyey Ukraine, walow hada indhaha caalamka ay kusii jeesadeen dagaalka ka socda Gaza.

Horseed Media