UN oo cambaareeyey duqeynta Israel ee Isbitaalada Gaza

Published: November 4, 2023
Shares34

Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa makhribadii xalay duqeeyey labo isbitaal iyo Iskool ku yaal Gaza oo ay ku sugnaayeen barakacayaasha.

Israel ayaa duqeyn la beegsatay isbitaalka Shifa ee Gaza, xili ay halkaasi ka baxayeen gaadiidka caafimaadka oo siday dhaawac loo qaadi lahaa dalka Masar.

Qaar kamid ah gawaarida dhaawaca siday iyo shacabkii ku sugnaa irida isbitaalka Al Shifa ayey soo gaareen dhimasho (15) & dhaawac (60).

Sidoo kale Isbitaalka Indonesiya iyo waliba nawaaxiga Isbitaalka Al Qudus ayaa kamid ah goobaha makhribadii xalay la duqeeyey.

Iskuul Qaramada Midoobay maamusho oo xalay la duqeeyey ayey halkaasi ku dhinteen ugu yaraan 20 qof oo kale.

Duqeyntan ayaa lagu soo beegay daqiiqado kadib markii Xoghayaha Dibada Mareykanka Antony Blinken uu sheegay in gargaarka loo furo Gaza.

Blinken oo Tel Aviv kula kulmay Netanyahu ayaa sheegay in Israel xil iska saarto xaqiijinta amaanka shacabka Gaza iyo gargaarka loo baahan yahay.

Balse jawaabta Israel ayaa ahayd inaysan joojin doonin duqeynta, isla markaana bartilmaamsaday xarumaha caafimaadka.

Qaramada Midoobay ayaa falkan cambaareysay, xoghayaha guud  Antonio Guterres ayaa ku tilmaamay weeraradan wax laga naxo.

Hase-yeeshee duqeynta Isbitaalada Gaza ayaa sii socota, subaxnimadii sabtida ayaa markale la duqeeyey isbitaalka caruurta ee Al Nasar & xerada Jabaliya.

Horseed Media