Urur Gobaleedka ECOWAS oo asbuuc u qabtay militariga afgembiyey xukuumadii Niger

Published: July 31, 2023

Shir deg deg ah oo ay shalay magaalada Abuja ee Najeeriya ku yeesheen Madaxweynayaasha dalalka xubnaha ka ah urur Gobakeedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS, ayaa laga soo saaray go’aano lagu cadaadinayo militariga Niger ee xukunka maroorsaday.

ECOWAS ayaa soo rogtay xayiraad dhanka socdaalka ah ee hogaamiyayaasha militariga Niger, waxaa la xiray xaduudaha Niger, waxaa la xayiray hantida Qaran ee Niger dibada u taal, waxaana la xayiray duulimaadka.

Urur gobaleedka ECOWAS ayaa sidoo kale muddo asbuuc ah u qabtay militariga Niger inay awooda dib ugu ceshaan dowlada rayidka ah, hadii taasi dhici weydo ay ECOWAS qaadi doonto tilaabooyin horleh oo ay ku jiri karto mid militari, sida uu sheegay guddoomiyaha Urur Gobaleedka Dr. Omar Alieu Touray.

Dalalka xubnaha ka ah ECOWAS ayaa sanadkii 2022 hawl geliyey ciidamo wadajir ah oo nabad illaalineed oo markan fursadii ugu horeysay u tahay inay dhaqan geliyaan go’aanadooda, balse waxaan la ogeyn cidda bixin doonta dhaqaalaha hawlgalkaasi ku baxaya, walow ay Maraykanka iyo EU-da horey u sheegeen inay taageeri doonaan.

Wadamada xubnaha ka ah ECOWAS ayaa kala ah; Benin, Burkina Faso, Cape Verde, Côte d’Ivoire, Gambia, Ghana, Guinea, Guinea Bissau, Liberia, Mali, Niger, Nigeria, Senegal, Sierra Leone iyo Togo.

Horseed Media