Ururada Ifiye, Mustaqbal, Runcad iyo Shaqaalaha Oo Ka Hadlay Go’aanka Furida Dastuurka Puntland

Published: June 17, 2023

Qaar kamid ah ururada siyaasadda Puntland oo shir degdeg ah isugu yimid ayaa ka hadlay hindise sharciyeedka furida dastuurka.

Ururadan oo kala ah Ifiye, Mustaqbal, Runcad iyo ururka shaqaalaha xoogsatada ayaa war qoraal ah oo ay wadajir usoo saareen waxay ku bogaadiyeen doorashadii goleyaasha Puntland oo ka dhacday 30ka degmo.

Dhanka kale, waxay cadeeyeen in wax ka bedelka qodobada dastuurka ee doorashooyinka ay go’aankeeda leeyihiin golaha wakiilada.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media