US: Buundada caanka ah ee Baltimore ayaa duntay kadib markii markab xamuul ku dhacay

Published: March 26, 2024
Shares16

Buundada weyn ee magaalada Baltimore ee gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa go’day oo duntay kadib markii Markab Konteenar ah uu ku dhacay subaxnimadii Talaadada, taasoo keentay in tiro gaadiid ah ay webiga ku dhacaan.

Waaxda dab damiska ee Baltimore ayaa sheegtay inay baadi goob ugu jirto ugu yaraan 7 qof oo la rumeysan yahay inay ku jiraan biyaha webiga.

Muuqaal la soo galiyay barta X ayaa laga arki karaa markabka oo garaacaya mid ka mid ah xoojiyaasha dhexe ee buundada, taasoo keentay in inta badan buundada oo dhererkeedu gaarayo 2.6km ay meesha ka baxdo iyadoo tiro baabuur ah ay ku dhaceen wabiga Patapsco ee ka hooseeya buundada. Markabka ayaa u muuqday mid dab qabsaday, iyadoo qeyb ka mid ah buundada ay u muuqatay mid ku dul duntay, taasoo cirka isku shareertay qiiq madow.

“Waxa aan diiradda saaraynaa hadda waa inaan isku dayno inaan samata-bixinno dadka biyaha ku jira,” Kevin Cartwright, oo ah agaasimaha isgaarsiinta ee waaxda dab-damiska Baltimore ayaa sidaas yiri. Waxa uu intaa ku daray in ay goor hore ahayd in la ogaado inta qof ee ay dhibaatadu soo gaartay balse waxa uu burburka ku tilmaamay “dhacdo khasaare badan oo sii kordhaysa”

Buundada ayaa la dhisay sanadkii 1977-kii, waxay dul martaa Wabiga Patapsco, waxay halbowle muhiim ah u tahya Dekedda Baltimore, oo ah xudunta dhoofinta xeebaha bari ee Maraykanka. .

Horseed Media