USA: 13-kun oo shaqaalaha warshadaha baabuurta Maraykanka oo shaqo joojin sameeyey

Published: September 15, 2023

In ka badan 13.000 oo ah shaqaalaha shirkadaha soo saara baabuurta ayaa maanta oo jimce ah ku dhawaaqay shaqo joojin kadib markii lagu fashilay wadahadalo u socday Iskaashatooyinka shaqaalaha warshadaha iyo 3da shirkadood ee baabuurta sameysa oo xaruntoodu tahay magalada Detroit, shaqaalaha ayaa codsanaya in mushaharka loo kordhiyo.

Shaqaalaha ayaa ka cabanaya maciishada sii kordheysa iyo mushaharkooda oo la kordhin muddo dheer, xili mulkiilayasha shirkadaha waaweyn ay isku koobeen faa’iidada shirkadahaasi.

Waa markii ugu horeysay oo ay si wadajir ah shaqada u joojiyaan shaqaalaha 3da warshadood ee gawaarida sameeya ee Ford, GM iyo Stellantis [ Fiat Chrysler].

Horseed Media