USA: 38 Sanno ayay Xabsi ugu Jireen Dambi ayan Gelin.

Published: November 26, 2019

Saddex nin oo Madowga Maraykanka oo 38 Sanno xabsi ugu jiray dambi ayan gelin ayaa maanta la sii daayay markii dambigaas lagu waayay.

Alfred Chestnut  iyo Hooyadiisa oo hab isa siiyay 38 sanno ka dib

Saddex Nin oo lagu kala magacaabo Alfred Chestnut, Andrew Stewart and Ransom Watkins ayaa lagu xukumay xabsi daa’in Sanadkii 1984tii ka dib markii lagu eedeeyay inay dileen wiil yar oo 14 jir oo lagu magacaabi jiray DeWitt Duckett.

Kiis dacwadeed ragan ayaa dib loo furay sanadkan ka dib markii Chestnut oo ka mid ahaa raga xukunaa uu warqad u diray waaxda dambiyada ee Baltimore, isagoo raaciyay caydamo uu sanadkii hore helay.

Xeer Ilaaliyaha gobolka Baltimore Marilyn Mosby oo hadlay kadib markii la sii daayay saddex nin ayaa sheegay in cadaalad darada u dhacday saddexdan dhalinyarada oo markaas da’doodu ahayd 16 Jir ay masuul ka ahaayeen Booliiska iyo waaxda cadaaladda oo si aan wanaagsanayn u dhaqmay, iyagoo ku khasbay inay qirtaan dambi ayan gelin

Richard Phillips ayaa 45 sanno ah xabsi ugu jiray dambi uusan galin, Sanadkii 2018kii ayaa la sii daayay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *