USA: Donald Trump oo lagu soo oogay dacwado faragalintii natiijadii doorashadii 2020

Published: August 15, 2023

Donald Trump ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira musuq-maasuq iyo dambiyo badan oo ah farogelintii natiinadii doorashadii 2020-kii gaar ahaa codbixintii ka dhacday gobolka Georgia ee uu ku guuleystay Joe Bide, baaritaanka oo soo socday labo sano.

Waa dacwadii ugu adkeyd ee lagu soo oogo madaxweynihii hore, 77-jirkan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa wajahaya 3 dacwadood oo kale iyo maxkamadeynta uga furan New York, Washington DC, iyo Florida.

Bishii Maarso, magaalada New York ayaa waxaa looga soo oogay eedeymo la xariira lacago musuq maasuq ah oo uu bixiyey intii lagu jiray ololihii doorashadii 2016.

Bishii June ee la soo dhaafay, Trump ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu si khaldan u maamulay dukumeentiyo sir ah oo yaalay gurigiisa Florida.

Bishii Agoosto, Trump ayaa lagu soo oogay dacwado culus oo ah inuu ka shaqeeyay inuu baabi’iyo natiijada doorashada 2020 kadib rabshado ay taageerayaashiisa ka sameeyeen Aqalka Baarlamaanka Mareykanka, Capitol Hill, Washington DC.

Horseed Media