USA: Gabadh ay dhashey Xildhibaanad Ilhan Cumar oo la xiray

Published: April 23, 2024
Shares44

Isra Hirsi oo ah 21 sano jir ayaa kamid ah ardayda soo qaban qaabiyey banaanbaxa looga soo horjeedo Israa’iil oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Jaamacada Columbia University ee magaalada New York.

Booliiska New York ayaa xabsiga dhigay in badan oo kamid ah ardaydii banaanbaxa dhigayey oo ay ku jirto Isra, kadib markii maamulka Jaamacada ay amreen in awood loo adeegsado banaanbaxaasi lagu taageerayay shacabka Falastiin.

Isra ayaa sidoo kale laga joojiyey waxbarashada Jaamacada iyada iyo labo araday oo kale oo la sheegay inay banaanbaxa soo abaabuleen.

Go’aanka Jaamacada ayaa kusoo beegmay maalmo kadib markii Xildhibaanada Ilhan Cumar oo dhashay Isra ay su’aalo adag weydiisay Madaxweynaha Jaamacadaasi oo hortagtay Guddiga Kongareeska Mareykanka oo su’aalo weydiiyey.

Waxaa sii xoogeysanaya banaanbaxyada ka socda Jaamacadaha Mareykanka oo ay ardayda ku cadaadinayaan in cunaqabateyn lagu soo rogo shirkadaha kasoo jeeda Israel ee xiriirka laleh Jaamacadaha dalkaasi.

Horseed Media