USA: Is-rasaaseyn ka dhacday Xafladii Ciida ee Magaalada Philadelphia

Published: April 11, 2024
Shares16

Dad badan ayaa Arbacadii lagu toogtay xaflada ciida ee ka dhacday magaalada Philadelphia ee waqooyi bari dalka Mareykanka, sida ay booliisku sheegeen.

Toogashadan ayaa dhacday dhamaadkii munaasabada, waxaana ka soo qeyb galay dad gaaraya 1,000 qof oo u dabaaldegayay Ciidul Fidriga.

Taliyaha booliiska Philadelphia Kevin Bethel ayaa sheegay in saddex qof la toogtay shanna ay xabsiga ku jiraan ka dib markii laba kooxood oo ku sugnaa beerta ay rasaas isweydaarsadeen.

Horseed Media