USA: Joe Biden “..Waa ku ceeb Trump diidmada natiijada Doorashada…”

Published: November 11, 2020

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden ayaa “ceeb” ku tilmaamay qaabka uu u dhaqmayo Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday ee Donald Trump oo weli diidan in looga guuleystay doorashada.

Joe Biden oo shir jaraa’iid qabtay ayaa sheegay in wadahadalo badan la yeeshay hogaamiyayaasha caalamka ee lasoo xariiray isagoo sheegay in aan loo joojin doonin diimada xisbiga Jamhuuriga, isagoo sheegay inay arrintan soo af-jarmi doonto marka la gaaro 20ka Janaayo 2021 oo ah xiliga la dhaarinayo Madaxweynaha cusub.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in la dhameystiro gobalada weli wada tirinta cododka walow cododka dhiman ay yihiin kuwo aan wax badan ka bedali karin far-qiga weyn ee cododka u dhaxeeya Biden iyo Trump.

Xukuumada Trump ayaan weli bilaabin hawlaha xil wareejinta arrintan oo sii xumeenaysa xiriirka labada dhinac iyadoo Xoghayaha Arrimaha Dibada ee wakhtigiisa dhamaaday Mike Pompeo uu shalay sheegay inuu rajeenayo in ay iyagu xilka markale kusoo noqdaan, hadalkaasi oo uu ku qoslay Joe Biden oo sheegay in gadoodka Jamhuuriga uu socon karo wakhti kooban.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *