USA: Nin cunsuri ah oo wiil 6 sano jir ah oo Falastiini ah ku dilay Chicago

Published: October 17, 2023
Shares64

Ninkan cadaanka ah oo lagu magacaabo Joseph Czuba ayaa Sabtidii lasoo dhaafay weerar ku qaaday qoys muslimiin ah oo kasoo jeeda asal ahaan Falastiin oo uu ka kireyn jiray guri ku yaal duleedka magaalada Chicago.

Hooyada qoyska oo irida ka furtay ninkan ayaa la sheegay inuu ku dhuftay tooreey, waxaana hooyada soo gaaray dhaawac culus, wuxuu sidoo kale tooreey si xun ulla dhacay (21 jeer), wiilkan 6-jirka ah.

Wiilkan lix jirka ah oo lagu magacaabi jiray Wadea Al-Fayoume ayaa u dhintay dhaawaciisa.

Booliiska ayaa gacanta ku dhigay gacan-ku-dhiiglaha kaasi oo lagu wado in maxkamadeyntiisa bilaabato dhamaadka bishan.

Boqolaal muslimiin ah oo isugu soo baxay shalay aaska wiilkan yar ayaa si weyn u cambaareeyey falkan cadaawada ka muuqato iyadoo sii kordheyso weerarada loo geysto dadka muslimiinta ah ee ku nool dalka Maraykanka.

Xiisada ka taagan dalka Falastiin ee u dhaxeysa gumeysiga Israel iyo Xamaas ayaa sare usii kicisay xaalada iyadoo qaar kamid ah Siyaasiyiinta Maraykanka ee sida weyn u taageera Israel ay qaarkood warbaahinta dalkaasi ka sheegayaan hadalo lagu dhiiri gelinayo xasuuqa ka socda Gaza.

Horseed Media