USA: Nin hubeysan oo 3 qof oo madow ah ku dilay Florida

Published: August 27, 2023

Nin caddaan ah oo wejiga soo duubtay ayaa dukaan ku yaalla gobolka Florida ee dalka Mareykanka ku dilay saddex qof oo Madow ah, weerarkan oo ah mid isir naceyb ah, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.

Sida laga soo xigtay xafiiska Booliis-ka ee Jacksonville, ninkan oo 20-sano jir ah balse aan wali la magacaabin, ayaa xirnaa jaakada rasaasta, wuxuuna ku hubeysan qori nooca fudud ah iyo bistoolad.

Waxa uu toogasho ku dilay saddex ka mid ah macaamiisha Madowga ah – laba nin iyo hal dumar ah.

Ninkan ayaa gacantiisa isku toogtay Kadib markii ay booliska goobta soo gaareen.

Sannadihii la soo dhaafay waxaa dalka Mareykanka ka dhacayay toogashooyin is-daba joog ah, iyadoo inta badan gobolada dalkaasi si fudud looga heli karo hubka, isla markaana la sheego hubka halkaasi yaal uu ka badan yahay muwaadiniinta Maraykanka.

Horseed Media