USA: Shiinaha Oo Lagu Cambaareeyay Dhibaatada uu Ku Hayo Uighurs

Published: December 4, 2019

Aqalka Kongorayska Maraykanka ayaa cambaareeyay, islamarkaan meel mariyay Sharci ka hortegaya dhibaatadda Dowladda Shiinuhu ku hayso Muslimiinta tirada yar ee Uighurs ee ku nool gobolka Shwaan

Waxaa la aamisan yahay dad ka badan Hal Milyan oo qof ayaa shiinuhu ku hayaa Xabsiyo waaweyn, kuwaaso la kulma jirdil iyo dhibaateyn joogto.

Sharcigan oo aqalka odoyaasha Senate ayaa soo ansixiyeen, waxaa u codeeyay 407 Xildhibaan, halka 1 xildhibaan uu ka soo horjeestay.

Sharciga la meelmariyay ayaa jideenaya in cunaqabtay la saaro xubno ka mid ah xubno sare sare oo ka tisan xukuumadda iyo xisbiga shuuciga ah ee xukuma Shiinaha, xubnahaasi waxaa ka mid ah Chen Quanguo oo ah  xoghayaha xisbiga Shuuciga ismaamulka gobolka Xinjiang.

Wasaaradda arrimaha dibada ayaa si caro leh uga jawaabtay sharciga aqalka Kongaraysku uu meelmariyay, waxayna ku tilmaameen mid cadowtinimo ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *