USA: Trump oo lagu soo oogay dacwad horleh kacdoonkii uu abuuray kadib natiijadii doorashadii 2020

Published: August 2, 2023

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu baabi’iyo natiijada doorashada madaxtinimada ee 2020, iyadoo dacwad oogayaasha ay ku eedeeyeen siyaasiga Jamhuuriga inuu isku dayay inuu carqaladeeyo nidaamka dimoqraadiyada dalka Maraykanka si uu ugu sii raago xukunka.

Eedeyntan oo ka kooban 45 bog, ayaa Talaadadii shalay loo gudbiyay maxkamada Washington DC, danbi baaraha gaarka ah Jack Smith oo dacwadan soo diyaariyey ayaa faahfaahiyay afar dacwadood oo dambi ah oo Trump lagu soo oogay, kuwaas oo qaarkood ciqaabtoodu gaarayso 20 sano oo xarig ah.

“Weerarkii lagu qaaday xarunta Baarlamaanka Capitol 6dii Janaayo 2021, wuxuu ahaa weerar aan horay loo arag oo lagu qaaday xarunta dimoqraadiyada Mareykanka,” Smith ayaa yiri. “eedaysanaha (Trump) wuxuu faafiyey been badan si uu dab ugu sii shido xiisada, si loo carqaladeeyo shaqada dawladda Maraykanka,” ayuu raaciyay.

Trump ayaa lagu amray inuu ka soo muuqdo maxkamadda federaalka ee Washington DC, Khamiista. Kiiskan ayaa loo xilsaaray Garsooraha maxkamada darajada 1aad, Tanya Chutkan, oo uu magacaabay madaxweynihii ka horreeyay ee Barack Obama.

Horseed Media