W/arrimaha Dibada Iran oo booqday Sacuudiga, xili xiriirka labada waddan uu soo hagaagayo

Published: August 17, 2023

Sacuudi Carabiya iyo Iran ayaa horumar ka sameynaya hagaajinta xiriirka, wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay ka dib markii uu la kulmay dhiggiisa Riyadh, iyadoo labada mas’uul ee gobolka ugu culus ay doonayaan inay ka gudbaan cadaawad hore iyo xoojinta iskaashiga.

Hossein Amir-Abdollahian ayaa shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen dhiggiisa Sucuudiga Amiir Faisal bin Farhan Al Saud, Khamiistii ayaa sheegay “Xiriirka u dhexeeya Tehran iyo Sucuudigu waxa uu ku socdaa wadadii saxda ahayd”.

Booqashadiisa Boqortooyada ayaa ku soo beegantay bilo ka dib markii Amiir Faysal uu magaalada Tehran kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Iran bishii June safarkiisii ugu horreeyay ee uu ku tago dalkaas ka dib markii Shiinaha uu dhexdhexaadiyey heshiis dhex maray labada dhinaca.

Sida ku cad heshiiska, Tehran iyo Riyadh waxay ku heshiiyeen in la soo afjaro khilaaf diblomaasiyadeed iyo dib u soo celinta xiriirka ka dib sanado badan oo cadaawad ah oo halis gelisay xasilloonida Khaliijka, gaar ahaan Yemen, Suuriya iyo Lubnaan.

Sacuudi Carabiya ayaa xiriirka u jartay Iran 2016 ka dib markii mudaaharaadayaal ay weerareen safaaradda Tehran ka dib markii Riyadh ay dil ku xukuntay wadaadkii Shiicada ahaa ee Nimr al-Nimr.

Horseed Media