Wadahadalka Garoowe ee Deni, Shariif iyo Farmaajo maxaa laga filan karaa?

Published: March 22, 2024
Shares28

Waxaa maanta oo Jimce ah gaarey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland wefdi uu hoggaaminaayo Madaxweynihii Dowladdii kumeel-gaarka ahayd Shariif Sheekh Axmed. Wefdiga Shariifka waxaa ka horeeyey oo maalintii khamiista tegey Garoowe wefdi kale oo uu hoggaaminaayo Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Labadii Madaxweyne ee hore ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo mar kale xilka ku guuleystey ayaa kawada hadlaya xaaladda dalka gaar ahaan dhamaysirka dastuurka ee muranka badan ka taagan yahay.

Puntland ayaa gebi aaan ka maqneyd shirarkii u dnabeeyey ee Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu jiheeyey arrimaha dastuurka, waxaana ay qaadacdey dhamaan wixii ka soo baxay, sidoo kale Dowladda Puntland ayaa ka soo horjeeda qaabka loo wado arrimaha dastuurka waxaana ay ku tilmaantey waxa ka socda Muqdisho wax laga xumaado.

Waxaa lagu wadaa in wada hadal toos ah saddexda masuul u bilowdo. Madaxweynayaashii hore ayaa weli saameyn ku leh Baarlamaanka Jamhuuriyadda sidoo kale waxay lee yihiin taageerayaal kale oo badan, waxaa la siweydiinayaa isbahaysiga Puntland, Shariif iyo farmaajo waxa ay ka beddeli doonto dooda dastuurka ee socota.
Waxaa la filayaa in war wadajir ah oo ay uga soo horjedaan nidaamka loo maraayo dastuurka dalka Garoowe laga soo saaro.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli ku adkeysanaya in Xildhibaanadu u codeeyaan todobaadka danbe ansixinta dastuurka, si loogu gudbo wejiga labaad. Madaxweyne Xasan oo maanta ka hadley Masaajidka Villada ku dhexyaala ayaa eedeyn u jeediyey Madaxweynayaashii hore oo uu ku tilmaamey in ay lee yihiin dano gaar ah dastuurkana la dhamaystiraayo.

Horseed Media