Wadamada Yurub ayaa bilaabay daad gureynta muwaadiniinta ka jooga dalka afgembiga ka dhacay ee Niger

Published: August 2, 2023

Faransiiska ayaa bilaabay daadgureynta boqollaal qof oo u dhashay Faransiiska iyo dalalka Yurubta ee ku sugan Niger, maalmo ka dib markii madaxweyne Maxamed Bazoum ay afgambiyeen xubno ka tirsan ilaalada madaxtooyada.

Saddexdii duulimaad ee ugu horreeyay ee lagu daad gureeyey muwaadiniinta Faransiiska iyo Yurub ayaa xalay ka duulay caasimada Niger.

“Diyaaradda waxaa saarnaa 262 qof, oo ay ku jiraan caruur,” ayay tiri wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska Catherine Colonna oo la hadashay wakaaladda wararka ee AFP.

Faransiiska, Talyaaniga iyo Isbaanishka ayaa dhamaantood ku dhawaaqay in la daadgureenayo muwaadiniintooda ku sugan Niger.

Axadii lasoo dhaafay, taageerayaasha afgambiga ayaa gubay calanka Faransiiska, waxayna weerareen safaaradda Faransiiska ee caasimadda Niger, Niamey.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in weerar kasta oo ka dhan ah danaha Faransiiska ee Niger ay la kulmi doonaan “jawaab degdeg ah”.

Horseed Media