Wafdi ka socda Gaashaandhiga Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Published: March 6, 2024

Wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqadir Maxamed iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa ku soo dhaweeyay Muqdisho wafdi ka socda dowladda Turkiga.

Booqashada wafdigan ayaa la xariira dhaqan gelinta Heshiiskii Difaaca & Dhaqaalaha ee dhawaan labada dowladood la kala saxiixdeen.

Wadahadalada ayaa diirada lagu saaray tayeynta tababarada ciidamada XDS, qalabeynta qeybta Komaandooska GorGor & xoojinta dadaalada lagula dagaalamayo khatarta Al-Shabaab, sida ay sheegtay Wasaarada Gaashaandhiga ee Soomaaliya.

Kulanka maanta ka dhacay  xarunta Taliska Ciidanka XDS, waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka badda ee XDS  Admiral.Cabdi Warsame, Taliyaha Ciidamada dhulka Gen.Dayax Cabdi Cabdulle iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

Wafdigan ayaa sidoo kale maanta booqasho ku tagay Dekada magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ka socday Dalka Turkiga ayaa isugu jiray Talisyada Ciidamada badda, dhulka iyo mas’uuliyiin ka socota Wasaarada difaaca Turkiga.

Heshiiska iskaashiga Militari iyo Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Turkiye wada saxiixdeen oo aan weli si rasmi ah loo shaacin ayaa waxaa bishii lasoo dhaafay ansixiyey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Horseed Media